SIDEE LOO DIFAACI KARAA WEBIYADA SOMALIYA AY LA WADAAGTO ETHIOPIA

450px-Jubbarivermap

 

Map-ka Biyo Rogga (River Basin Drainage) ee Webiga Jubba iyo Webiga Shabelle.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SIDEE LOO DIFAACI KARAA WEBIYADA SOMALIYA LA WADAAGTO ETHIOPIA IYO KENYA?

 Bishii March ee sanadkaan 2016 waxaa yaraaday ama guray biyihii webiga Shabelle. Saxaafadda iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan ayaa u sababeeyey masiibadaas faragelin ay webiga ku sameysay Ethiopia.

Arrintaasi waxay walaac ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed oo ay u muuqatay in wadamada aan kheyraadka biyaha wadaagno khatar gelin karaan nolosha dadka iyo xoolaha ku nool Somalia.

Waxaa kale oo arrintaasi ay banaanka soo dhigtay sida Somaliya ay ugu dheganugushahay biyo gabaabsiga, abaaraha iyo isbedelka roobabka Somaliya ay hesho. Sidoo kale waxaa soo baxday sida ay u dayac yihiin kheyraadka biyaha ay Somaliya la wadaagto wadamada aan deriska nahay. Ma jiro wax heshiis wadashaqayn iyo iskaashi ah oo ku saabsan maamulka, isticmaalka, daryeelka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha soohdimaha ka gudba (transboundary watercourse) oo naga dhexeeya anaga Kenya iyo Ethiopia.

Webiyada Jubba iyo Shabelle waxay ka asalmaan Ethiopia, biyaha ay Somalia keenaan 90% waxay ka soo rogmadaan buuraha bariga Ethiopia. Kenya iyo Ethiopia waxaan la wadaagnaa webiga Dawa ku biira/ku darsama webiga Jubba.

Jubba iyo Shabeelle waxay ka mid yihiin 276 webiyo iyo harooyin caalamka ka jira oo ka dhexeeya ama iskaga goosha 2 waddan iyo wixii ka badan. Xeerka Caalamiga ah ee soo jireenka ah (International Customary Law) ayaa kala xakameyn jirey waddamada haddii la isku qabsado isticmaalka biyaha la wadaago. Laakiin Qaramada Midoobay ayaa u arkay in khatar dagaal iyo iska hor imaad joogta ah ay dhici karto haddii aan la helin Heshiis Caalami ah oo qoran, oo bartilmaame u noqda xeerka guud ee isticmaalka, daryeelka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha soohdimaha ka gudba.

Kadib wadahadalo, hindise heshiisyo iyo wacyigelin soo socotay muddo 40 sano ah, waxaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u suurogashay in 136 waddan ay ku shiriso New York, 1997 si loo saxiixo heshiiska the” United Nations Convention on the Law of the Non-Navigational Uses of International Watercourse”, oo loo soo gaabiyo “UN Watercourses Convention”. 106 ayaa ogolaadey in ay saxiixaan heshiiska, 3 waddan ayaa diiday (Turkey, China iyo Burundi) 27 waddan waa ka aamuseen (Ethiopia iyo Masar ayaa ka mid ah). Heshiisku si uu u dhaqangalo wuxuu u baahnaa in ugu yaraan 35 waddan ay soo ansixiyaan (ratification). 17 sano ayey qaadatey in la helo 35 ratification. Heshiisku wuxuu dhaqangaley 17.04.2014 kadib markii Vietnam ay noqotay waddankii 35aad ee soo ansixiyey heshiiska caalimiga ee biyaha macaan ee soohdimaha jeexa.

Waddamada Africa Bari  ma jiro mid ansixiyey heshiiskaan (ratification), laakiin waxaa saxiixay 1997, Kenya, Djibouti iyo Sudan. Ethiopia iyo Tanzania waa ka amuseen. Uganda iyo Somalia waa ka maqnaayeyyn shirka. Hadda Kenya iyo Tanzania waxay wadaan in ay ku biiraan heshiiska (accession).

Ansixinta iyo dhaqangelinta heshiiska caalamiga waxaa ka warwareegaya qaar ka mid ah waddamada Qulqulka Sare (Upstream countries), maadaama biyuhu dhulkooda ka soo qulqulaan, ayagoo ka soo horjeeda in waddamada Qulqulka Hoose(Downstream countries) ku farageliyaan kheyraadka biyaha la wadaago.

IGAD wax ay waddaa barnaamij ay ugu sameynayso waddamada xubnaha ka ah siyaasad loo dhan yahay oo ku saabsan isticmaalka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha la wadaago. January 2015 waxaa Addis Abeba lugu saxiixay Igad Regional Water Policy oo soo xiganaaya mabaadii’da guud ee UN Watercourses Convention. Waxaa la wadaa hadda dhameystirka Protocol-kii lugu dhaqan gelin lahaa policy-ga (Ethiopia ayaa hortaagan habsami u socodka ansixinta protocol-ka, inkastoo aysan si official ah u sheegayn).

Soomaaliya waa in ay ka mid noqoto UN Watercourses Convention 1997 si ay u difaacdo kheyraadkeeda biyaha oo hadda ka dayacan. Xeerka Caalamiga wuxuu Soomaaliya xaq u siinayaa in ay Ethiopia iyo Kenya kula xisaabtanto sida ay u isticmaalayaan biyaha webiyada Jubba iyo Shabeelle. Heshiisku wuxuu ku waajibinayaa wadamada biyaha wadaaga in ay is weydaarsadaan macluumaadka tayada iyo tirada biyaha (art.9); in ay biyaha u isticmaalaan si isu dheelitiran oo maangal ah (art.5 equitable and reasonable utilization and participation); in marka ay isticmaalayaan biyaha dhulkooda mara, ay qaadaan talaabo kasta oo ay kaga hortagi karaan in ay u geystaan khasaaro lixaadle waddanka biyaha la wadaaga (art.7, obligation not to cause significant harm); in haddii ay dhacdo iska hor imaad baahi isticmaal, mar walba muhiimadda la siiyo biyaha aas aasiga u ah nolosha bani adamka, sida baahida biyaha la cabo ama cuntida lugu soo saarto (art.10, relationship between different kind of uses); in ay waajib tahay in la iswaydaarsado akhbaar, wadatashi laga sameeyo, haddii ay muhiim noqotana wadahadal la galo, si loo darso saameynta ay ku yeelan karaan mashaariicda la qorsheynayo in lagu sameeyo kheyraadka biyaha la wadaago (sida biyo xireenada, mashaariicda waraabka, danab abuurka); art.11, information concerning planned measures); in ay waajib tahay in la isku wargeliyo ka hor inta aan la bilaabin hirgelinta mashaariicda sababi kara dhibaato lid ku ah danaha wadanka biyaha lala wadaago, si waddanka kale loo siiyo fursad uu daraasaad ugu sameeyo mashariicda waddanka kale qorsheynaayo in uu ku farageliyo kheyraadka biyaha iyo dhibaatada uga imaan karta haddii mashruucaas la hawlgeliyo (art.12, notification concerned planned measures with possible adverse effects); dariiqa u furan waddankii asaga oo aan wax wadatashi ah lalasameyn webigii la wada lahaa laga fuliyey ama la qorsheeyey mashaariic dhibaato ku ah danihiisa (art.18, procedures in the absence of notification).

Somaliya waxay si degdeg ah ugu baahan tahay in ay xafidato, daraasaad ka sameyso xaaladda kheyraadkeeda biyaha, si ay xuquuqdeeda u difaacato. UN Watercourse wuxuu na siinayaa gaashaankii iyo warankii aan difaac iyo weerar-ba ku geli lahayn. Waxaan ka mid noqoneynaa bulshada Caalamka ee aaminsan ka wadashaqaynta iyo iska kaashiga maamulka, isticmaalka, daryeelka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha. Waa in xisaabta lugu daro in dadka Ethiopia ay tiradoodu sii mareyso 90 milyan oo labo jibaarmi doona 20 sano gudahood! Haddii aan hadda la bilaabin sidii biyaha loo difaaci lahaa waxaa imaan doona wakhti ay adag tahay meel wax laga bilaabo.

Ethiopia iyo Somaliya maadaama aysan saxiixin ama ansixin Heshiiska Qaramada Midoobey ee Biyaha Soohdimaha iskaga goosha, maxay macna sameynaysaa in Somaliya heshiiska ku biirto?

  • Marka hore, haddii Somaliya ay xubin ka noqoto UN Watercourse Convention 1997, heshiisyada ay Kenya iyo Ethiopia wadagalaan ee ku saabsan webiga Dawa (sida hadda ay wadaan) wax saameyn ah kuma yeelan doonaan xuquuqdii Somaliya, wax kasta oo ay sameeyaana waxay xadgudub ku noqoneysaa xeerka caalamiga (international customary law), haddii ay dacwo noqoto oo International Court of Justice ama Arbitration kiis-ku tago (waa markii ay fashilmaan wada hadaladii iyo wada xaajoodkii tooska ahaa), Somaliya waxay haysataa caddeyn ah in lagu xadgudbay xeerkii caalamka, waxana waajib ku noqoneysa Ethiopia iyo Kenya in ay dib u saxaaan (magdhow-na ka bixiyaan) khaladka iyo khasaraha ay u geysteen Somaliya biyaheeda.
  • In wadatashiga iyo iswargelintu ay tahay waajib xeerka caalamka u dhigan ah, waxaa ka markhaati ah wargelintii Somaliya ay wargelisay Ethiopia markii uu socday mashruucii biyo xireenka Baardheere 1987. Mashruucaas hay’addii maalgelineysay (World Bank), ayaa Somaliya u sheegtay in ay Ethiopia iyo Kenya wargeliso maadaama ay yihiin wadamada Qulqulka sare (upstream) oo xaq u leh in ay talo ka dhiibtaan mashruucii  saameyn ku yeelan kara baahidooda. Somalia waxay ka codsatay World Bank in ay la xiriirto Ethiopia, maadaama xiriirka labada waddan uusan fiicnayn wakhtigaas. Ethiopia markii ay heshay warqaddii World Bank-iga ee mashruucii Baardheere, waxay ku soo jawaabtey diidmo qayaxan, ayadoo ku andacooneysa in Baardheere Project ay carqalad ku tahay mashaariic ay ayadu horey u qorsheysay oo isticmaali lahaa biyaha webiyada Ethiopia ee Jubba biyaha siiya.  World Bank ayaan ku qancin jawaabta Ethiopia, wuxuuna magacaabay guddi khuburo ah oo seddex qof ka kooban (2 injineer iyo hal sharciyaqaan) si ay daraasaad ugu sameeyaan cabashada Ethiopia. Gudigii khuburadu wuxuu soo saarey warbixin caddeysay in mashruuca Baardheere uusan wax saameyn ah ku lahayn baahida ay Ethiopia sheeganeyso. Kadib, World Bank wuxuu fasaxay lacagtii lagu maalgelin lahaa biyoxireenkii Baardheere. Laakiin casharka halkaas aan ka baraneyno waxaa weeye in Ethiopia ay aqoonsatey in iswargelinta (obligation to notify planned measures) mashariicda la qorsheynaayo in la hirgeliyo, oo isbedel ku sameyn kara tayada iyo tirada biyaha, ay tahay waajib xeer caalami ah.

Waxaa loo baahan yahay Xakuumadda iyo Baarlamaanku in ay dareen Qaran muujiyaan oo ay sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiyaan warqaddii ka mid noqoshada heshiiska UN Watercourses Convention Xafiiska Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey.

 

Dr Abdulkadir Mohamed Tahlil

La taliyhii hore sharciga ee Wasaradda Tamarta iyo Biyaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

 

Annex I: UN Watercourses Convention


UN Watercoureses Convention 

Convention on the Law of the Non-navigational uses of International Watercourses 1997

Procedures Accession Ratification

UN Watercourses Convention Voting Records

Convention on the Law of the Non-navigational uses of international water courses

Annex II

Google Earth Map, Webiga Jubba iyo webiya ku biyo shuba (tributary rivers).

https://www.google.so/maps/@4.1760791,42.0779988,1570m/data=!3m1!1e3

https://www.google.so/maps/@4.286626,42.0414953,1567m/data=!3m1!1e3

https://www.google.so/maps/@4.673739,41.6276663,1540m/data=!3m1!1e3

https://www.google.so/maps/@5.5474436,41.1859058,1515m/data=!3m1!1e3

Google Earth Map, Webiga Shabelle.

https://www.google.so/maps/place/Webi+Shabeelie+River/@4.9577689,45.0060626,3165m/data=!3m1!1e3!4m2!3m1!1s0x3d62115a67297cc1:0x821e8c217a4f4797?hl=en

 

 

Habraaca Kalsooni siinta Dawladda

Habraaca Kalsooni siinta Dawladda

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii 14 October ka dalbaday madaxweynaha in uu laba maalmood gudahood Baarlamaanka ku horkeeno ra’iisul wasaaraha magacaaban, Cabdi Faarax Shirdoon, si uu kalsooni u weydiisto.

Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu madaxweynaha u bidhaamiyey in ay jiraan baahi iyo xaalado dalku ku sugan yahay oo hiil degdeg ah u baahan.

Waxaan jeclaan lahaa in aan labo arrimood wax ka tilmaamo.

Xiriirka Madaxweynaha iyo Xukuumadda

Dawladaha dimoqraadiga ah (waa kuwa aan kaligi taliska ama dhaxaltooyada ahayn) waxay, guud ahaan, u kala baxaan 3 nooc:

A)    dowlad madaxweyne. Waa dawlad si toos ah dadku usoo doortay. Waxaa tusaale u ah dawladda Mareykanka. Dadweynaha mareykanka ayaa afartiisanaba mar doorta madaxweynaha, asaguna wuxuu si toos ah u soo xushaa wasiiradiisa, oo shaqadooda bilaaba markii ay helaan ansixinta aqalka odoyaasha mareykanka (US Senate). Waa wasiirada kaliya, ma ahan madaxweynaha waxa u baahan ansixinta. Aqalka odayaasha mareykanku wuxuu hubinayaa oo kaliya in wasiirka madaxweynuhu soo magacaabay uu leeyahay akhlaakh wanaagsan iyo wadaninimo. Guud ahaan, dawladda madaxweynaha waxaa shaqadeeda kula xisaabtama shacabka mareykanka oo afartiisanaba santuuqa doorashada ku abaalmariya (dib u doorta) ama ku inqaaba (cayriya) madaxweynaha.

B)    Dawlad isku dhafan (semi presidential government). Waxaa tusaale u ah dawladda Fransiiska. Dadweynaha Fransiisku waxay si toos ah u doortaan madaxweynaha jamuuriyadda Fransiiska. Waxaa jira oo kale ra’iisalwasaare ka yimaada xisbiga ugu kuraas badan barlamaanka dhexe (Assemblee Nationale). Madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha waxaa ka dhexeeya awooda fulinta (executive power). Siyaasadda arrimaha dibedda iyo gaashaandhiga inta badan madaxweynaha ayaa u gacan badan. Haddii madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu ay isku xisbi yihiin si fudud ayey u wada shaqeeyaan maadaama ay isku siyaasad iyo hadaf yihiin. Haddiise ay dhacdo in madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu asxaab kala duwan ka yimaadaan, waxaa badan iska hor imaadka iyo wada shaqeyn la’aanta (co-habitation government).

C)    Dawlad baarlamaan. Waa dawladda shacabku si toos ah u doorto xubnaha baarlamaanka. Baarlamaanku wuxuu soo doortaa madaxweynaha jamhuuriyadda (haddii aysan boqortooyo dastuuri ah ahayn sida Spain in Ingiriiska oo kale). Madaxweynuhu wuxuu soo xulaa ra’iisalwasaare, la hubo (la saadaalin karo) in uu baarlamaanka kalsooni ka heli doono. Waa nooca dawladdeed ee talyaaniga lugu yaqaano, Somaliyana loo keenay 1960. Dastuurka talyaaniga ee 1948 iyo kii Somalia ee 1960, waxay labaduba tilmaamayaan habraac (procedure) isku mid ah oo ku saabsan magacaabista, dhaarinta, xil lawareegida iyo kalsooni siinta ra’iisalwasaaraha. Ra’iisalwasaaraha magacaaban, wuxuu durbadiiba ku dhaqaaqaa inuu soo diyaarsado xubnihii golihiisa wasiirada ka mid noqon lahaa. Madaxweynaha ayuu ula tagaa liiska wasiirada. Golaha wasiirada oo dhameystiran ayaa iska xaadiriya madaxtooyada halkaas oo ay ku soo dhaartaan. Dhaarta ka bacdi waxay si toos ah ula wareegayaan xilkii dawladda. Madaxweynaha hawshiisa halkaas ayey ku dhamaatay. Ra’iisalwasaaruhu muddo 30 maalmood gudahood ah (10 maalmood talyaaniga) waa inuu baarlamaanka u weydiiyo dawladdiisa iyo barnaamijkiisa kalsooni.

Dastuurkii 1960, kii Ambagati iyo dastuurka saxiixayaasha 2012 midna kuma cayina awood fulin (executive power) gooni u ah madaxweynaha ama uu la wadaago golaha wasiirada. Madaxweynuhu waa astaanta midnimada Qaranka awoodihiisuna waxay ku xusan yihiin qodobka 90aad ee dastuurka KMG.

 

Habraaca kalsooni siinta Dawladda.

Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu codsaday in ra’iisalwasaaraha macaaban keligiis la horkeeno baarlamaanka si uu kalsooni u weydiisto. Habraaca kalsooni siinta kala horeysa (marka hore wasiirka koowaad, kadibna golaha wasiirada oo dhan) waa arrin ku soo biirtay wakhtigii Ambagathi masraxa siyaasadda Soomaaliya. Waxaa lagu bilaabay Prof Cali Geedi waxayna socotay ilaa magacaabistii Prof Cabdiweli Gas.

Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu sheegay in aysan dastuurka KMG ku qornayn in si wadajir ah kalsooni loo siiyo wasiirka kowaad iyo xubnaha kale ee golaha wasiirada. Waa run. Laakiin waxaa kale oo run ah in aysan dastuurka ku qornayn in wasiirka kowaad keligiis kalsooni weydiisto.

Dhowr qodob oo dastuurka ka mid ah ayaa si toos ah iyo si dadban uga hadlaya kalsooni dalbashada iyo kalsooni siinta dowladda. Dhamaantood waxaad moodaa in ay tilmaamayaan kalsooni wadajir ah. Waa kuwaan hoos ku qoran ee aan wada akhrino:

Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah

Awoodaha golaha shacabka waxaa ka mid ah: Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 (faqradda 2aad, xarafka (d);

Qodobka 100aad. Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha ra’iisalwasaaraha waxaa kamid ah: Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni (faqradda 1, xarafka (c);

Qodobka 104aad. Dhaarta

Raisul-Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirradu markay helaan codka kalsoonida inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana dhaarinaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare..(faqradda 1aad).

Gudoomiyaha baarlamaanku waa runtiis markuu leeyahay waddanku hiil buu u baahan yahay degdeg ah. Kalsooni wadajir ah, hal mar ah wasiirka koowaad iyo golihiisa wasiirada ha la siiyo, hana loo qabto 30 maalmood oo looga soo bilaabayo maalintii la magacaabay. Kalsoonida labada mar ah wakhtiga ayey sii dheeraynaysaa. Waana macno darro.

Abdulkadir Mohoamed Tahlil

Director of Birmingham Justice and Advocacy Centre

Soomaaliya Trusteeship Luguma Celin Karo

Waxaa maalmahaan aad loo hadal hayaa Shirweynaha 23ka February ka furmi doonaa magaalada London. Warar aan la hubin asalkooda ayaa Soomaalida ku abuuray walaac ay ka qabaan in Shirweynaha London laga soo saaro go’aan burburinaya ama dhaawacaya qaranimada Somalia.
Akhristuhu ha iga raali ahaaado haddii aan hordhac yar oo kooban ka siiyo macnaha Madaxbanaani Qaran (Sovereignity). Sovereignty ama Madaxbanaani waxaa leh xukuumad u madaxbanaan awoodda siyaasadeed ee waddanka ay ka taliso. Waxay u kala baxdaa madaxbanaani daakhili ah (waa in aysan ka jirin waddanka gudihiisa awood siyaasadeed oo ka sareysa ama u dhiganta awooda dawladda Qaranka) iyo madax banaani dibadda ah (waa in Qaranku ka madax banaan yahay, xor ka yahay dawlad ama dawlado kale ama hay’ado kale oo dawli ah). Madaxbanaanidu waxay ka mid tahay seddexda astaamood ee u gaarka Waddan xor ah: Dhul xaddidan, dad dhulkaas si joogta ah ugu nool iyo dawlad amarkeeda ka fulin karta kuna fulin karta dhulkaas iyo dadka ku nool.

Dawladdii militeriga ee burburtay 31/1/1991 ayaa u dambays Dawlad Soomaaliyeed oo xukunkeedu ku fidsan yahay dhulka Jamhuuriyadda Somalia. Wixii ka dambeeyey waxaan markhaati u ahayn wadankii oo kala qaybsamey oo aan nidaam dawli ah lahayn. Waxaa ku xigay in awoodihii dawladda Soomaaliya u gaarka ahaa si tartiibtartiib ah loola wareegay. Hay’adda loo yaqaan International Civil Aviation waxay la wareegtay 1996 maamulka hawada Soomaaliya ayadoo marmarsiiyo ka dhiganaysa badbaadada diyaaradaha iyo rakaabka hawada Soomaaliya isticmaala. Waxaa u dambeeyey go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (Resolution 1816/2008) ugu fasaxay dawladaha adduunka oo dhan in ay “geli karaan badda Somaliya” ayagoo marmarsiiyo ka dhiganaya ladagaalanka burcad badeedka. Go’aankaas Golaha Amaan-ku wax walwal ah iskama saarin in maraakiibta loo fasaxay in ay soo galaan badda Soomaaliya la “fatasho” marka ay biyaha Soomaaliya galayaan iyo marka ay ka baxayaan si loo xaqiijiyo in ay wadaan wasakhda warshadaha ama kaluun si sharci darro ah looga soo gurtay xeebaha Soomaaliya.

Aan usoo noqdo shirka London. Maxaa ka soo bixi kara oo sii wiiqi kara Qaranimada Somaaliya?
Waxaa la hubaa in Dawladda Ingiriisku ay aad ugu ololeynayso sidii dakhli joogta ah loogu heli lahaa ciidamada Amisom.Wiliam Hague, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska, oo 8/2/2012 kulan kooban kula yeeshay 40 qof oo Soomaali ah, wuxuu ka akhriyey qudbad uu ugu magac daray “Hawlgal Cusub oo Soomaliya lugu Caawinayo”. Waa qudbad dheer oo ku daabacan website-ka Foreign Office-ka. Wuxuu aad u amaanay ciidamada Uganda oo uu ku tilmaamay in ay yihiin lafdhabarka ciidamada Amisom. Wuxuu ka cawday in ciidamada Africanka-ah oo Somaliya kaga hawlgala fasax ay ka haystaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, aan loo hayn dakhli rasmi ah oo Golaha Ammaanka miisaniyadiisa soo mara. Marka, waxaa laga sugayaa Shirweynaha in loo sameeyo dakhli joogto ah Afrikaanka raba in ay naftooda saaraan furuntiga, waa siduu hadalka u dhigay Mr Hague. Waxaad la socotaan in Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay codsaday in Amisom la gaarsiiyo ilaa 17.700.
Dawlad ammaankeedu ku xiran yahay ciidamo shisheeye, dawlad madaxbanaan ma aha.

Shirweynaha London waxay dawladda Ingiriisku ku rajoweyntahay in Beesha Caalam-ku gaarto heshiis xoojinaya kawadashaqaynta iyo ka hawlgalka arrimaha Soomaaliya mustaqbalka. Mr Hague, wuxuu carrabaabay xoojinta waxa loo yaqaan International Contact Group on Somalia iyo hogaanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ka hayaan Soomaliya.
Waa maxay International Contact Group on Somalia?
Taariikhdu markey ahayd 5 June 2006 waxaa guud ahaan ammaanka magaalada Muqdishu la wareegay ururkii Midawga Maxaakiimta (UIC) kaddib markii ay ka guuleysteen hogaamiye kooxeed-yadii la magic baxay Gaashaanbuurta la dagaalan-ka argagixisada oo Mareykan-ka laga soo maalgeliyey. Isbedelkaasu wuxuu fadeexad lama filaan ah ku noqday maamulkii Bush Jr oo aad uga cagajiidayey in uu taageero dawladdii ku meelgaarka ahayd ee Baydhabo saldhigeedu ahaa. Maalmo kaddib, dawladda Mareykanku waxay go’aansatay in ay Baydhabo taageerto, waxayna iclaamisay in ay isugu yeerayso Gole caalami ah oo kooban oo ay u bixisay International Contact Group on Somalia. Kulankii u horeeyey ee ICG wuxuu dhacay 15/06/2006 waxaana lugu qabtay New York, safaaradda Norway ay ku leedahay Xarunta Qaramada Midoobay. Waxaa ka qaybgalay Mareykanka, Norway, Talyaaniga, Ingiriiska, Tanzania iyo EU. Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa waxay uga qaybgaleen goobjoogayaal ahaan (observers). Waayadii dambe waxaa si xubno joogta ahaan ugu soo biiray Kenya iyo Sweden. Canada iyo Yemen oo ah Xubno goobjoogayaal ah ayaa codsaday in ay noqdaan xubin joogta ah. Mareykan-ka ayaa rabay in ay labadaas waddanba soo galaan club-ka laakiin Ingiriiska ayaa diiday in xubno cusub lugu soo daro International Contact Group-ka asagoo sabab uga dhigaya xubnaha ICG oo la balaariyo in ay keeni karto tayo xumo ku timaada hawlgalka golaha ICG.
Maxay qabataa ICG?
Waxay deristaa marxaladaha siyaasadda, nabadgelyada, horumarka iyo bani’aadanimo ee Soomaaliya ku sugantahay, waxay u ololeysaa in dhaqaale loo helo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Somalia (Kenya), waxay u ololeysaa oo hagtaa go’aamada Golaha Ammaanku ka gaaro Soomaaliya (ICG ayaa u tilmaantey UN-ka in ay u fasaxdo AU in ciidamo loo diro Soomaaliya, ICG ayaa u tilmaantay UN-ka in Badda Soomaaliya loo fasaxo maraakiib hubaysan iyo kuwo shacab soo galaan ayadoo aan cidina koontaroolin waxa ay wadaan marka ay soo galayaan ama ka baxayaan biyaha Somaaliya).
Gabagabo
Soomaliya laguma celin karo Trusteeship. Ma jirto cid ka xayuubin karta madax banaanideeda. Cutubka 12-aad ee Xaashida Qaramada midoobay wuxuu qeexayaa waxa loo yaqaan International Trusteeship System. Wuxuu ahaa system la sameeyey wakhtigii dagaalkii koowaad ee adduunka uu dhamaaday. Dhulalkii laga qabsaday Xukuumadihii Jarmalka iyo Turkiga (Cusmaniyiinta) ayaa waxaa la hoosgeeyey (Mandate) hay’adii loo yaqaanay League of Nations oo ay dhaxashay Qaramada Midoobay. Wadamadii Trusteeship-ka ku jiray waxaa ka mid ahaa Lubnaan, Syria (French Mandate) iyo Falastiin (British Mandate) oo burburkii Turkiga ka harey iyo Cameron iyo Tanganika (Tanzania) oo Germalka laga furtay.
Qodobka 77-aad firqaddiisaa 1aad ee Xaashida Qaramada midoobay waxaa ay tilmaaeysaa in International Trusteeship System lugu dhaqikaro:
a) Dhulalka hadda ku jira Mandate-ka (sida kuwa kor ku xusan)
b) Wadamada laga qabsaday waddan cadaw ah intii uuu socday dagaalkii 2aad ee adduunka (sida Soomaliya koofureed oo Talyaaniga uu Ingiriis kala wareegay)
c) Wadan gumeysi ku jira oo dowladda gumeysataa ay u ogolaatey in ay ku dhaqdo ITS.
Qodobka 78aad wuxuu si bayaan ah u sheegayaa in International Trusteeship System-ka aan loo isticmaali Karin Waddan Xubin ka ah Qaramada Midoobay. Soomaaliya waa xubin buuxda oo Qaramada Midoobay ka tirsan, sidaa awgeed ma jirto wax la yiraahda Trusteeship.

Nasiibdarro, waxaan 10-kii sano ee u dambeysay ku jirnay DE FACTO TRUSTEESHIP, kaddib markii Golaha Ammaanku ku dhawaaqay (asagoo isticmaalaya Cutubka 7aad ee Xaashida Qaramada Midoobay) in Soomaaliya ay halis ku tahay nabadgelyada Beesha Caalam-ka, oo la sameeyey UN Political Office for Somalia oo ah maamulka rasmiga ah ee Soomaaliya.

Ciidamada Amisom oo dakhli joogta ah loo helo waxay fududeyn doontaa in waddamo badan oo African ah ku dhiiradaan in ay Soomaaliya ciidamo geeyaan. Taasi waxay fogeynaysaa in ciidamada ammaanka Qaran-ka Soomaaliyeed dib loo dhiso. Dhaqaale ku filan Amisom iyo Ciidan-ka Boolis-ka Somaliya la ma hayo.

La soco maqaalada soo socda oo mawduucan ku saabsan

Abdulkadir M Tahlil